Eva:wtf ninkaan muxuu ku hadlayaa?
Arthur:adiga ayaa jawaab lagaa rabaa aniga maahin
Eva:war ani ninkaan ma kasaayo wax aan wax ka iibiyay ma jirto
Maxaa idin kala dhaxeeya ninkaan muxuuna designka u xaday
Mr thanarat:isaga miyaa xaday mise adiga siiyay?
Arthur:aabo meshaan maxaa ka qabaneysaa?
Eva waxey isku dayday inay baxdo ayada oo hadalkooda iska indho tireysa
Lakiin waxa qabtay aabaheeda ii jawab ninkaas xagee ku baratay
Eva waxey iska fujisay aabaheeda
Eva:aniga dhexdiina ha igu soo darinina ninkaas aqoon uma lihi wax aan wax ka iibiyayna ma leh hadda ayaana dacweysanayaa waxa uu iigu been abuuranayana asaga ayaa sheegaayo
Waxeyna usoo baxday bannaanka weliba aabaheed oo ka daba hadlaya
Waxaa eva ka hor imaaday johnny
Johnny:eva setahay?
Inta aysan u jawabin waxa uu arkay inaysan socon karin oo jilbaha ay dhaawac ka tahay waxa uuna weydiiyay waxa ku dhacay laakiin uma aysan jawaabin
Asaga oo hadalka ka joojin lana socda ayadana aysan u jawaabeen
Waxey usoo dagteen hoos iyaga oo ag istaagaya fadhi meesha yaallay mar qura eva ayaa hadashay
Eva:yuu yahay ninkaas? Maxaana kala dhaxeeya shirkadaan oo uu designkeeda u xadayaa?muxuu iigu been abuuran?
Johnny:abayo ninkaan waa Ceo ka shirkada ASTREA magaciisana waa mr.nani shirkadaan iyo asaga shirkadiisa tartan dhaqaale iyo shaqo ayaa ka dhaxeeya xittaa heer waxa uu marayaa uu shaqaalaha shirkadeenna ka taga uu shaqaaleysiiyo si ay uga caawiyaan shaqooyinka laga qabto crown
Weliba qeybta designka ayuu diirada saaraa waana sababta hooyo ay daniel uga dhigatay gacan yaraheeda iyo ku xigeen keeda, wll iyo hooyowaxey ka fikirayaan waxa ay ku sameyn lahaayeen designka laxaday iyo sida ay wax uga dhaadhicin lahaayeen mudanayaasha south korea ka imaaday designka la xadayna waa kii dharka modelka loogu tala galay manta ayaana la kala saari lahaa dadka taasna waxey noqotay dib u dhac anaga naga yimaaday waxana laga yaabaa inay heshiiska ka baxaan lakiin hadda waxey siiyeen shirkada fursad labo maalin ah oo design kale lagu sameeyo
lakiin ma ogi waxa uu adi kaaga been abuurayo ee abaayo fadhiiso aan kaa dhayo dhaawacee ayadana waxey dhahday
Eva:ma rabo shirkadiisa isoo dir locationkeeda aan aadee
Lkn waxa uu isku dayay inuu celiyo isaga oo dhahaya
Johnny:dhaawacaaga aan dhayo
ayadana si xoog ayay iskaga fujisay ayada oo dhaheysa
Eva:iga fuq wll dhaawaca aad u jeedo midka qalbiga iiga yaallo ayaa ka darane
Inta oo celi maagayay waa ay dhacday iyada oo wajiga qeybta sare ee foolka ku dhufsaneeso miis meesha yaallay johnny aad ayuu u dhaxay inta uusan hal eray dhihina eva ayaa istaagtay iyada oo iska baxday
Johnny waxa uu rabay inuu ka daba baxo laakiin waxa qabtay actorkeenna jun oo meesha ka ag dhawaa
Jun:aniga ayada lasoo hadlaayo iska dhaaf meelna ma ay aadeeso
Johnny:waa dhaawac lakiin
Jun:aniga ayaa dhayaayo
Waxa uuna johnny u dhiibay jun daawada dhaawaca waxa uuna kasoo daba baxaya eva
Eva sida ay u socoto waxa ay fadhiisaneysaa
Kursi yaallo meel cidlo ah hool ahna micnaha wado ka xiran kor iyo geesaha ayada oo iska fikireysa meesha sidaas ugama fogo shirkada wayna ooyneesaa
Kadib waxyar kadib waxaa soo ag fadhiisanaya jun
Ayadana waa ay istaageysaa iyada oo rabta inay baxdo waxa gacanta qabanaya jun
Jun:waan wadaagi karnaa kursiga fadhiiso plz
Way fadhiisanee eva
Jun waxa uu soo jeedinaya wajiga eva
Jun: eva ha ooyin waxaa tahay gabar awood badan hana quusan aniga ayaa halkaan jooga wax walba oo tabaneyso
Ii sheeg iguna nafis
Waxa uuna billaabay inuu eva illinta ka tirtiro
Lakin eva fiirmo ayaaba kasoo hartay hadalna kama soo baxaayo
Kadib waxa uu billaabay inuu ka dhayo dhaawaca jilbaha ayadana intaas isaga ayay eegeysaa ohintii way joojisay
Markii uu u dhameeyay dhayitaanka jilbaha oo uu dhayaayay dhaawicii ka gaaray foolka ayuu billaabay waxa uuna weli u dhisayaa niyada
Jun:Gabar qurxoon oo tageero ii ah murugo uma qalanto waana ballan waan baarayaa runta ayaana soo ogaanayaa
Way naxday eva waxeyna dhahday
Eva:sidee ku ogaatay inaa ku tageero?
Designka la igu eedeynaayo inaan iibiyay waa kii aad shaqooyinkaaga ku qabsan laheyd taasna waa dhibkaaga marka maxaa garab ii siineysaa
Jun:sidaan ku ogaadaba waan ogaaday
Sidoo kale adiga hadii aad designkaas aad iibisay maxaa halkaan uga oyeysaa dhib maleh hadii taas kugu filneen waxa la dhihi karaa madama aad quruxley tahay waad isoo jiidatay waxana laga yabaa inaan kaa helay aana sidaas kuu caawinaayo
Eva markaas ayayba ha wada ka baxday waxeyna gashay duni bilaa shanqar ah isaga bishimihiisa ayay eegeysaa wuu hadlayaa laakiin ma maqasho hadalkiisa ok maba ku socdo
Eva waxeg u dhaqaaqday dhankiisa ayada oo u dhawaaneyso isaga waxa ay rabtay inay shumiso garaaca wadnaheedana bannaanka ayaa laga maqlaayay kadib markii uu arkay inay shumin rabto waaba isi sii diyariyay indhaha ayuuna isku qabtay
Lkn eva ma aysan awoodin inay shumiso waxeyna kasoo laabatay meel xun
Kadib inta ay sii laabaneysay jun ayaa soo qabtay isaga oo dhahaya
Jun:xilligaan camal lama laabto
Waxa uuna u shumiyay shumis xamasad leh illaa cabaar ayayna is shuminaayeen
YOU ARE READING
little rabbit
Romanceeva waa gabar aan lasoo korin familygeeda 17 sano kadib la kulmeysaa familygeeda saxda ah ayadana ma jecleysaneeso waalidkeeda waana qof dagaal badan aadna u dhib iyo qasaaro badan
