Waxaan ku toosay dhawaaqa telefonka.
Waxaan dareemay in farriin ii soo dhacdey, inta baddana qeybt fariimaha waxaan ku bartay in fariimo muhiim ah ii soo dhacaan. Sida: xayaysiin-yada ay Shirkadda Telesom u sameysa shirkaddaha ganacsatadda, iyo bishaaroyinka kale oo qiimo leh.
Waxaa kale oo mar-mar iiga baaqi jiray saxiibkeyga Muxudiin oo ii soo sheegi jiray warar farxad leh oo kala duwan. Telefoonka ayaa soo dhacay aniga oo aan aad indhaha u kala heyn, oo hurdo badan oo aan ku jiray la sii dhacayey.
Waxasn furay Telofonka fariinta ii soo dhacdey. Markaas akhriyey farriintii.
Waxaa ku qornaa sidda tan.
Cidkasta oo halkaan oo farriintey aragtey waan Salaamay, ma danaynaysaa inaad noqoto wehel keyga dhabta ahaa?
Magaranaayo cidda farriintaan, waan iska masaxay sida ay u dhammayd, Telefonkiina waan saaray miis ka agdhowaa sariir teyda. Waxasn isku habeeyey in aan mar kale nafta waan waan ku galo sidii aay halkii uga sii amba qaadi lahayd hurdadii ay ku jirtay, Indhihii waan is geliyey anigoo aad moodo in asn qasab isku seexinayo, ayaa markale farriintii ii soo dhacday.
Markale iyo salaan. Ka fiirso in aad noqon karto wehelkeyga. Anigoo waan-waantii iyo hurdaddii sasabay iga duushay, intaan sani usoo sare fadhiistay in dhaha si fiican u kala furay ayaan nafteyda waydiiyay,
wayo qofkaan? Habaarka qaba wehelka i weydiinayo. Anigoo is rebshinba ayaa iska masaxay. Weligay ma casdeysanin isticmaalka farriimaha la isku diro.
Waalidkey oo waddanka dibaddiisa ku maqan ayaa igu khasbay inaan Telefon yeesho, Telefoon-kaasa uu ahaado mid la iga helikaro goor walba oo diyaar ah. Marar badan oo habeen iyo maalinba ah waxay kala socon jireen xaaladeyda nololeed iyo halka aan ku suganaahay.
Waxaan damcay inaan iska damiyo, laakiin waxaan xasuustay dardaarankii hooyadey ee ahaa hooyo haddi aan Telefonka kaa waayo waxaan u fahmaa in uu wax kugu dhaceen, marka hadii caafimaadkeyga ilaalinayso waa in Telefoonka kaa helaa goor walba, si aan u xaqiijiyo in aad nabad ku waa bariisatay iyo in kale. Ereyaddas ayaa sida maawjadda nafteyda ku soo butaacay oo iga hakiyay inaan damiyo oo ka raysto farriimaha jin iyo jaan ee aan ka seexan kari la'a hay.
Aqriso hadda Qeybta 2aad: ee Barasho Wanaagsan
please vote GAREEN
YOU ARE READING
Dareen Jacayl
RomanceSheekadda la magac baxdey Dareen, Waa sheeko ku saabsan Telefon jacayl Sheekadaan waxaa qoray A Moha Fajiiste: Book
