Siraad

302 5 2
                                    

Iftiinka qorraxda oo daaqad foolkeeda ku qumman ka soo galay ayaa riyadii ku kala jaray. Go' baati ah oo ay huwaneyd ayaa ay ka soo dhex baxday oo jimicsi isla kala bixisey. Nin baas oo aanay aqoon baa meelo baas ka taataabanayey. Riyadii in ay xusuusato ayaa ay isku dayday se uma suuragelin. Barkintii ay ka soo kacday oo isku dhex dhacday ayaa ay soo qaadday oo inta laabta ku dhejisay cabbaar ka fekertay shaqo la'aanta dalka guud ahaan ka jirta iyo midda iyada gaar ahaan u haysa. Xagga muraayadda weyn ee istaag ah ee ay ku lebbisato ayaa ay u dhaqaaqday oo hor istaagtay oo timaha gadaal isugu xiratay. Daqiiqad muddo ka yar ayay is daawatay. Dabadeed shukumaan katabbaanka u saarnaa ayaa ay laacday oo xagga musqusha u jaciiratay.

Tuubbo biyaha kor ka keenta ayaa ay furtay oo isu dhigtay ilaa ay meel kasta ka hooreen. Shukumaankii ayaa ay isku daliigtay, dabadeed albaabka suuliga dul saartay oo soo baxday iyada oo dhalaalaysa. Diric baati ah oo halaf ah oo aad u khafiif ah oo jirkeedu ku raaxaysanayo ayay qabtaa. In ay qolkeeda sidan ku dhex joogto waa u caadi. Dhawr jeer ayaa ay hooyadeed ku murmeen qaawanida iska daa iyo ma qaawani, intii ay la noolayd. Waxa ay ku doodday in aanay jirin cid iyo sabab ay isku deddo kolba haddii ay qolkeeda keli ku tahay. In uu sheyddaan wax baas ku samaynayo ayaa ay habartu dood ka dhigatay, kamase aysan hoos qaadin. Mar kalana waxa ay u sheegtay in aanay malaa'igtu soo gelin guri naag qaawani naasaha kor u taageyso. Malaa'igta se howsheeda waxa ay u aragtay in aanay ahayn arrin iyada iyo hooyadeed aanay dood ka yeelan karin. Arrin Alle!

Muraayaddii la hor istaagi jiray ayay dib ugu soo noqotay. Dhaashi ayaa ay isku boobtay. Toban shay oo kala duwan baa ay midba wejiga kol marisay. Indhaha ayaa ay kuulatay. Timaha ayaa ay furfurtay oo garbaha ku dul daysay. Waa timo dhaadheer oo qandi ah. Waxa ay ku fikirtay haddii aanay bulshadu la yaabayn in ay suuqa u bixi lahayd timaheeda oo garbaha hoos uga raaracsan. Daahyada cadcad ee daaqadda qolkeeda ku gudban ee ay dabayshu walfineyso xoriyaddooda baa ay la yaabtay. Inta ay muusig shidatay baa ay u dhaqaaqday armaajo weyn oo dhar uga buuxay, si ay uga soo xulato wixi ay maanta xiran lahayd.

Labo... saddex... afar maro oo midba meel loogu talo galay baa ay soo xulatay. Midab kasta oo ay halkaa ka soo bixisay waxa ay u eegtay midka ku xiga. Surwaal binki ah oo jirkeeda ku tolan ayaa ay gashatay oo diricii jilicsanaa iska walfisay. In door ah markii kolba ay maro gashaneysay oo ku eegaysay meesha ay gelisay oo ay is qancisay ayaa ay soo qabsatay ookiyaale balballaaran oo tobaleedka u saarnaa. Albaabka ayaa ay ka degtay iyada oo khamkhamaysa. Taleefankeedii ayaa soo dhacay iyada oo barandada sii socota. Waxaa soo wacday Hooyadeed. Waa ay ka qabatay.

"Subax wanaagsan Siraadeey."

"Wanaagsan oo wacan hooyo."

"Ii warran? Shaqadii ma heshay?"

"Hooyo hadda ayaa aan u socdaa halkii lagu qaadayay waraysigii shaqada. Ma aqaan waxa ay noqon doonto."

"Adeerkaa Xildhibaan Yamaarug ma u tegtay?"

"Habeen hore ayaa aan gurigiisa ku wada cashaynnay. Saakana meesha imtixaanka in uu imaanayo ayaa uu ii sheegay."

"Guuleyso Siraadeey!"

"Mahadsanid hooyo."

Taleefankii ayaa ay jartay. Naxdin ayaa ay gacmaha kala dhididday. Nafteeda ayaa ku buuqday. In aanay maskaxda ka diyaar garoobin ee ay jirka ka diyaar garowday baa ay ku qaylisay. "Jirka in shaqada la isku siiyo ma ogid miyaa?" in ay dhaho ayaa ay damacday. Ma sa oran. Niyadda ayaa ay iska tiri. Dood aanay diyaar u ahayn baa ku furantay.

"Waxba ma aadan akhrin e, sideed imtixaan ugu guulaysaneysaa?"

"Sow adeerkey Xildhibaan ma ahan?"

Qosol aanay aqoon cidda qosleysa ayaa dhegaheeda ku soo dhacay. Geesaha ayaa ay eegeegtay. Cidi ma daba socoto.

"Adeerkaa isagu wax ma bartay horta?"

SiraadWhere stories live. Discover now