Sheeko Jacayl - Naxdin jacayl

17.5K 47 22
                                    

Waxay ayayd maalin qamiis ah oo ay jirto layr qaboow iyo saxan saxo udgoon badan dhirtuna miraha iyo ubaxa rabi uu ku manaystay aanay indhuhu kolna ka jeesan Karin ayaa Daahir oo dhaan wada waxa uu yimid ceelkii biyaha, deetana uu furay Ratigii oo uu bilaabay inuu darsado wadaantii, intaa kadib ayaa waxa uu arkay gabar fadhisa geed qurac ah hoostiisa oo ilmeynaysa, markaas ayuu Daahir u tagay gabadhii oo ku yiri "Maxaa kugu dhacay abaayo oo aad la ooynaysaa"? waxa ayna ugu jawaabtay "Aboowe waxaan ahay gabar aan wiil la dhalan, oo iyada u dhaamisa cideeda, balse maanta waxaa I haysta rafaad aad u fara badan oo ah ceelka oo aan saakay salaaddi subax soo dul istaagay oo aanan hal wadaan ka darsan, iyadoo ay wiilasha ceelka jooga oo dhana aanay wax naxariis ah ii galin, alla haduu walaalkey noolaan lahaa dhibkaan iima yimaadeen!!!" ayay iyadoo ilmaynaysa waxa ay tiri:-

Geesiyoow gacaliye

Gaashaankii naftoow

Gacalkii gurigoow

Galabtaan go'oo

Geeridii ku heshaa

Gilgilasho igu riday

Goobtaad ku go'day

Gacaloow Rafiiq

Geeri adoo udiidan

Gacalo hooyadeen

Go'aan xume libaaxii

Geeri kuu horseedaa

Goobtaan I dhigay anigee

Geesiyoow aboowe

Gunbaa ceelkaan weyn

Galabta ii diiday

Geesiyoow hadaad joogto

Galabta ma ooyeen!!!!!.

Markii ay dhamaysay cabashadii ay ka cabanaysay wiil la'aanta ayuu Daahir ku yiri "Maya sidaas ha dhihin aniga ayaa kuu dhaaminaya, oo waliba kuu rarayo ratiga, balse abaayo tuulada miyaad Dagan tahay"? waxa ayna tiri "Haa aboowe waxaa ag daganahay Beerta Guure Jayte oo uu aqalkeenu wax yar ka danbeeyaa".

Waan gartay "Hada waa kuu raran yahay dhaanka ee soobax aan horay kuusii wadee, laakiin ima weydiinaysid miyaa meesha aan daganahay aniga"? "Maxaan ku weydiiyaa ama iska dhaafaa, waxaan layaabanahay axsaanka aad ii samaysay iyo sida wiilasha ilaa saakay iigu cayaarayeen, marka waxay ila noqotay wax laga xishoodo inaan weydiiyo wiil sidan oo kale ah meesha uu dagan yahay, waayo waxaad isoo xasuusisay walaalkey marka sidaas ayaan u xishooday". "Waatahay abaayo aniga ayaa kuu sheegaya meesha aan daganahay, waxaan daganahay Beerta Guure magacayguna waa Daahir Guure ee adiga magacaada ii sheeg"? "Haa aboowe Ilhaan ayaa la'i yiraahdaa Xaaji Cali ayaa aabahay ah".

Intaas markii la'is dhaafsaday ayaa waxaa la yimid Tuuladii deetana la'is macsalaameeyay, Daahir waa uu la dhacay gabadhii Ilhaan ahayd, waayo gabadhu waxay ahayd mid uu qurux Rabbi ku manaystay jooga iyo jamaalka, midabkeeda casaanka ah iyo Timaheeda dhuxusha ah oo ay dabeyluhu kolba dhinac u ridayaan.

Wiilkii Daahir ahaa markii uu gurigii tagay oo uu furay dhaankii ayaa waxaa niyadiisa ka bixi waysay gabadhii Ilhaan ahayd, dhan walba oo u jeestaba waxaa taagan Ilhaan oo qoslaysa, Daahir oo yaaban ayaa waxa uu niyada iska yiri "Toloow gabadhu ma jin bay ahayd!!!" ala qurux badnaydaa!!!, Aleylehe ninkii helaa oo ay marwadiisa noqotaa liibaanay.

Daahir oo intuu soo baraarugay arkay isagoo isla hadlaya waxa uu yiri "Waxaan arkay maata oo kaliya, waxayna igu riday jahwareer iyo mashaqo aan la fajacay oo aanan garan halka ay iiga yimaadeen", Daahir gabadha la dhacsan ayaa waxa uu yiri:-

You've reached the end of published parts.

⏰ Last updated: Sep 14, 2009 ⏰

Add this story to your Library to get notified about new parts!

Sheeko Jacayl - Naxdin jacaylWhere stories live. Discover now