Sheeko Jacayl - Love story

23.1K 45 32
                                    

--------------------------------------------------------------------------------

Naba"......Haba baran lahaayaa, Ha u bixin lahaayaa, Iminkoon besteey ahay, Baroor miyaa wax ii qaban..... "...

(luuqdii: Khadiijo Foodeey Nuur)

--------------------------------------------------------------------------------

Qaybtii 1aad

Waxay ahayd goor maqrib ah oo ay isu diyaarineysey in ay aaddo golaha Internetka oo ay beryahaas si weyn ugu waalnayd. Waxay khadka MSN-ka kula ballansanayd wiil ay wada socdeen oo degganaa magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Markey timid golihii internetka, waxay durba gashay khadkii MSN-ka oo uu kusii sugayey saaxiibkeed. Markey cabbaar fadhidey bay si kedis ah u eegtay saacaddii ugu xirnayd gacanta midig. Waa 10:00 fiidnimo. Waxay fadhidey muddo seddex saac ah, waxayse iyada la ahayd in ay fadhidey daqiiqado. Intey sadarkii ugu dambeeyey ee nabadgalyeynta ahaa u qortay saaxiibkeed bay kursigii ay ku fadhidey ka kacday iyadoo degdegsan. Xogaadii lacagta ahaa ee lagu yeeshay intey iska bixisay bay albaabka ka baxday.

Habeenkaas aad bay ugu daahday golaha Internetka. Waa goor dambe!!. Magaaladu waa Gaalkacyo, ma aha Garoowe, mana aha Boosaaso. Waa magaalo yar oo ay wada deggan yihiin beelo Soomaaliyeed oo aan colna ahayn, nabadna ahayn, balse si dadban isugu waafaqsan in aan magaalada mar kale lagu kala guurin xitaa haddii ay isaga dhimato boqollaad wiil. Welwel iyo cabsi ayaa ku beermay. Waxay ka welwelsaneyd hooyadeed oo ay hubtey in ay habeenkaas ku xanaaqi doonto. Goor hore ayaa la kala xerooday, dad tiro yar ayaana waddooyinka socdey. Hooyo qayladeeda waxba iga dhibi maysee, mar uun yaa gurigii nabad igu geeya, intey hoosta iska tiri bay cagta saartay waddadii ay u mari jirtey gurigooda. Belaayo buulkaagaa laga galaa...

Idman waxay ahayd qiyaastii gabar 30-jir ah. Waxay ahayd gabar qurux badan oo ka mid ah gabdhaha laga tilmaamo magaalada Gaalkacyo, waxaase iyada intaas u dheeraa furfurnaan iyo dabeecad-wanaag ay kaga soocnayd gabdhaha kale. Nin kasta wuxuu niyadda ka jeclaa in ay mar uun la hadasho, shar iyo khayr wuxuu kala kulmaba. Ninka ay dusha ka salaanto ama ay wax yar isla taagto waxaa loo arkayey nin ragga kale wax dheer. Magaciisu Daqiiqado gudahood ayuu ku faafayey magaalada oo dhan.

Quruxdu dhib uun bay kaala maqan tahay, bay hooyadeed ka maqli jirtey. Waxaa sida daadkii ugu soo qulqulayey codsiyo kala duwan oo loogu soo gudbinayey xagga taleefanka, internetka, iyo warqado. Codsiyadaas waxay isugu jireen run iyo been, dhab iyo dhalanteed, sheeko dheer iyo mid gaaban, qiyaali iyo dhab-ka-hadal, guurdoon iyo gaabsidoon. Hase yeeshee dheg jalaq uma aysan siin jirin. Gabar meeli u caddahay meeli ka madow. Meel kale ayaa balag looga lulayey. Nin kale bay duntu ugu xirnayd. Markiise xaalkeeda la bixin kari waayey, nin kasta candhuuftiisii buu dib u liqay. Ha ku daalin jeedaal, indho sooma jiidaan qalbi kaa janjeeree.

Idman lix bilood ka-hor bay khadka MSN-ka ee internetka isku barteen wiil la yiraahdo Shirwac oo degganaa magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka. Cidna isma barin. Si fudud bay isku barteen. Dhambaal uu Shirwac qof kale u dirayey ayaa si qalad ah ugu soo dhacay sanduuqeeda dhambaallada. Waxay u dirtay dhambaal ay ugu sheegtay in uu soo qaldamay. Kaddibna, wuxuu usoo diray dhambaal mahadcelin ah. Sidaas ayey Idman iyo Shirwac isbarashadoodu ku billaabatay. Dabadeed, waxay isdhaafsadeen dhambaallo kala duwan oo ugu dambeyntii suurtagaliyey in ay qalinka ku wada duugaan heshiis wada-socod saaxiibtinimo.

Afartii toddobaad ee ugu horreysey isbarashadooda, Idman waxay iyada ka ahayd maaweelo, dhereg-dhacsi, sheeko qiyaali ah, iyo waqti-isku-dhaafis. Waxaa maskaxdeeda ka daadegiwaayey sida looga miradhalin karo xiriir saaxiibtinimo oo u dhexeeya laba qof oo kala jooga Gaalkacyo iyo Minneapolis. Waxay nafteeda ku qancin kari weyday sida ay isu jeclaan karayaan laba qof oo aan is aqoon, ama aan fool-ka-fool isusoo hor fariisan. Waxaa dhalanteed la ahayd in la isku jeclaan karo waraaqo la isu diro, MSN-ka oo lagu wada sheekeysto, iyo taleefanka oo la iska maqlo.

You've reached the end of published parts.

⏰ Last updated: Sep 14, 2009 ⏰

Add this story to your Library to get notified about new parts!

Sheeko Jacayl - Love storyWhere stories live. Discover now