Waxay ayayd maalin qamiis ah oo ay jirto layr qaboow iyo saxan saxo udgoon badan dhirtuna miraha iyo ubaxa rabi uu ku manaystay aanay indhuhu kolna ka jeesan Karin ayaa Daahir oo dhaan wada waxa uu yimid ceelkii biyaha, deetana uu furay Ratigii oo uu bilaabay inuu darsado wadaantii, intaa kadib ayaa waxa uu arkay gabar fadhisa geed qurac ah hoostiisa oo ilmeynaysa, markaas ayuu Daahir u tagay gabadhii oo ku yiri "Maxaa kugu dhacay abaayo oo aad la ooynaysaa"? waxa ayna ugu jawaabtay "Aboowe waxaan ahay gabar aan wiil la dhalan, oo iyada u dhaamisa cideeda, balse maanta waxaa I haysta rafaad aad u fara badan oo ah ceelka oo aan saakay salaaddi subax soo dul istaagay oo aanan hal wadaan ka darsan, iyadoo ay wiilasha ceelka jooga oo dhana aanay wax naxariis ah ii galin, alla haduu walaalkey noolaan lahaa dhibkaan iima yimaadeen!!!" ayay iyadoo ilmaynaysa waxa ay tiri:-
Geesiyoow gacaliye
Gaashaankii naftoow
Gacalkii gurigoow
Galabtaan go'oo
Geeridii ku heshaa
Gilgilasho igu riday
Goobtaad ku go'day
Gacaloow Rafiiq
Geeri adoo udiidan
Gacalo hooyadeen
Go'aan xume libaaxii
Geeri kuu horseedaa
Goobtaan I dhigay anigee
Geesiyoow aboowe
Gunbaa ceelkaan weyn
Galabta ii diiday
Geesiyoow hadaad joogto
Galabta ma ooyeen!!!!!.
Markii ay dhamaysay cabashadii ay ka cabanaysay wiil la'aanta ayuu Daahir ku yiri "Maya sidaas ha dhihin aniga ayaa kuu dhaaminaya, oo waliba kuu rarayo ratiga, balse abaayo tuulada miyaad Dagan tahay"? waxa ayna tiri "Haa aboowe waxaa ag daganahay Beerta Guure Jayte oo uu aqalkeenu wax yar ka danbeeyaa".
Waan gartay "Hada waa kuu raran yahay dhaanka ee soobax aan horay kuusii wadee, laakiin ima weydiinaysid miyaa meesha aan daganahay aniga"? "Maxaan ku weydiiyaa ama iska dhaafaa, waxaan layaabanahay axsaanka aad ii samaysay iyo sida wiilasha ilaa saakay iigu cayaarayeen, marka waxay ila noqotay wax laga xishoodo inaan weydiiyo wiil sidan oo kale ah meesha uu dagan yahay, waayo waxaad isoo xasuusisay walaalkey marka sidaas ayaan u xishooday". "Waatahay abaayo aniga ayaa kuu sheegaya meesha aan daganahay, waxaan daganahay Beerta Guure magacayguna waa Daahir Guure ee adiga magacaada ii sheeg"? "Haa aboowe Ilhaan ayaa la'i yiraahdaa Xaaji Cali ayaa aabahay ah".
Intaas markii la'is dhaafsaday ayaa waxaa la yimid Tuuladii deetana la'is macsalaameeyay, Daahir waa uu la dhacay gabadhii Ilhaan ahayd, waayo gabadhu waxay ahayd mid uu qurux Rabbi ku manaystay jooga iyo jamaalka, midabkeeda casaanka ah iyo Timaheeda dhuxusha ah oo ay dabeyluhu kolba dhinac u ridayaan.
Wiilkii Daahir ahaa markii uu gurigii tagay oo uu furay dhaankii ayaa waxaa niyadiisa ka bixi waysay gabadhii Ilhaan ahayd, dhan walba oo u jeestaba waxaa taagan Ilhaan oo qoslaysa, Daahir oo yaaban ayaa waxa uu niyada iska yiri "Toloow gabadhu ma jin bay ahayd!!!" ala qurux badnaydaa!!!, Aleylehe ninkii helaa oo ay marwadiisa noqotaa liibaanay.
Daahir oo intuu soo baraarugay arkay isagoo isla hadlaya waxa uu yiri "Waxaan arkay maata oo kaliya, waxayna igu riday jahwareer iyo mashaqo aan la fajacay oo aanan garan halka ay iiga yimaadeen", Daahir gabadha la dhacsan ayaa waxa uu yiri:-
Calaacalkeygu waa gar
Cabashadeydu waa xaq
Ciil aan dhamaanbaa
Caloosha ii fariistoo
Ciqaab adag baa
Calafkeygu noqdee
Caadiloow ilaahoow
Calafkeyga samee
Cidladaan ku jiriyo
Cuntada inaan kago'o
Cabitaana daa warkiisee
Caziizoow Ilaahoow
Calafka dunida ugu wacan
Ceebla(Ilhaan)oo itiraa weeye
Cidkale dooni mayo
Caadilkii I uumoo
Caqli isiiyay anigaa
Calafkeyga kaa dhigay
Daahir markii uu intaas yiri ayaa waxaa u yeeray aabihii Guure oo ku yiri "Waryaa Daahir maxaa ku helay maanta oo aad iskula hadlaysaa?, ma dhib baa ku soo gaaray".
Daahir aya yiri "Maya aabe ee xoogaa waan qandhanahay".
Intaa kadib Xaaji Cali oo yaaban waxa gabadhii ku dhacay ayaa waxaa irida ka soo galay Ilhaan oo ay diif ka muuqato, Xaajigii oo yaaban ayaa waxaa uu yiri "Maxaa ku helay gabadheydiyeey"?.
Ilhaan ayaa tiri "Aabe markii aan ceelka tagay saakay waxaa dhoobnaa wiilal, anigana markii aan dhahay walaalayaaloow aan xoolaha dhaansado waxay iiigu jawaabeen maad walaalahaa soo dirtid ha kuu dhaamiyaane, anigana markii aan maqlay maad walaalahaa soo dirtid waxaan xasuustay walaalkeey Rafiiq, markaasaa wadnaha la'iga qabtay oo aan geed Qurac ah hoostiisa fariistay, markii uu qoruxu dhici rabo ayaa waxaa ii yimid wiil la yiraahdo Daahir oo dagan beerta naga danbeysa oo ii dhaamiyay deetana ii raray ratigii, laakiin aabe meesha aan soo dagnay dadka deggan naxariis malaha miyaa!!!, Marka laga reebo wiilka Guure ee Daahir ah oo isagu ii damqaday markii uu arkay rafaadka ihaysta oo uu qorixiina sii dhacayo, Aabe ma aqaano waxaan wiilkaas abaalkiisa ku gudo waayo la'aantiis ilmahaan yaryar caawa soow oon malaayeen haduusan wiilkaas ubixin!!!"?.
Add to your private library
My LibraryAdd this story to your public reading lists