Wattpad   welcome!  login | sign up   Facebook Connect
 
Read what you like. Share what you write.
1
433 reads
0 comments
4 pages
Other
#138462
naswaki
naswaki

May 21, 2009
Become a fan

somali halqabsi

Doqonkii ogaadeen ahaa doolo laga qaadye.
Alaahu akbar eedaanku waa kaa afkiyo beene Ashahaaday gaalkuba waase ehelu naarkiiye Uubo weysa waan kugu arkaa Agab salaadeede.
Weyshaan u xiray reer Subeer wiil kafura waaye markay waa Tiraahdaba baqay wagac ka siiyeene.Wadkii dililahaa iyo imoode waramadiisiiye.
Alla may wadnaha joojiyaan waaxid baajira ee.
Cad hadduu carada kaaga dhaco amase cidoobo.
Caqli nimuu ku weyn yahay ma cuno calafka qaarkiise. Anigana caruuraha yaryari wa iga caynkaase.
Maxaan Aadan carab kala hadlaa caaqil baan ahaye
Waa lagu digtaa ruux hadduu kuu darraan jiraye Bal dayaay wadaadkii wakaas sii dabayshadaye
Nimankaan Haraadkiyo aqoon, hawdka mariddiisa, Kolay haber jeclo muuse tahay, waw handamayaane,Nin waliba haruub u toshiyo,haamo gooniya,Haweenkuna hadday doonayaan,inay hidiidaane.

Iidoor wagaash lahaa wabiga jeexsiiye
Nacasku waa i wiiqaye iidoor waanigii wadaye,waatii waddada aan ku riday, wagacda jiilaale,waa tii wadnaha aan u galay, sida wadaadkiiye, Oo waalidxoortaan ogaa wiish la caridaye
Waxaan oo habeeyaba reer tolkay oodda soo jebiye waa ku waas ardaayada dhigay idhanka toomoodde.

Bada gabay Ismaaciil miraa Buuni ku ahaaye.
Beyd uu akhriyey ma odhan,ya badala kaase.
.
Hal igalay sida ugaxa goray ha igu gaadhnaado.
Midhihii xujaalagu arkoo lagu xariimooye xuduntay fadhiisteen ninkii xaashay laba goore xeerada kacalo aniga wayga xaaraan e.
Ogadeenka noosoo gabyoow waa gar xaajaduye.
Mooyaa ka ciyey baad maqashay reerahaad maca wadaagteene. Waxaad maqashay Madhle iyo Gobley bay midho ku yaaliine Ogadeena midhihii ku guray mohoradiisiiye in aad Himirta muudmuud sataad mihindiseysaaye.
Koley aniga oo aan hawraarsan iyo haa ku odhanaynin, maxaad gacanta ii haysataa waa habeyn dumaye.
Saddexdiiba naag loogu maray oo lagu madoobeeyey, In muraayaddeedii jabtaan marag u haystaaye, Martabtay heshaa waa carmali magac ku yeedhaaye, Iga maarso yaan ina Calaay kuugu malaqsiine.
Naagahaan dhankii loo rogiyo dhinacna diidayne. Dheddigaanshahaa lagu arkiyo, dhiigga caadada e. Haddayan dhiilka caanaha lahayn, laguma dhaarteene. wax ka dhigan gobtii dhawrsataan, ceeb ka dhiidhiyine. Nin dhirbaaxo quudheed dugsaday dhaqayadeed maalye. Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide.
Cayuun shaash leh oo wiilkii lahaa shaaha karinaayo Waayeelna xeeb uga shir tegey male Shirshooruuye Isagaan shaarublow Reer Isaaq shucub aan reebeene Shamal ay tuntaan iyo haween shuqulkii mooyaane, Sharba idin ma daareen haddaad shalay na dhaaftaane Daraan idin shiddeeyeenba waa naga shisheeyeene.
War bal Baaruuda foorari inaan kugu bogi waayo.
Nin la maagay aasaan midho yaraan lagu malaynaynin oo maansada ilaahay baroo macalinkeeda in ma dhoodho loo soo tirshaa wa macno la'aan
Hadii dherer wax taro naagahaa dhicin lahaa geele.Ayaba aabahood oo dhintey dhaxal ka waayaane

Hakaraamo seegina Habaar leygu kari waaye.
Ma mucaarad baan ahay hadaan xaqa ku maansoodo.
Bal Muxuu micneeyoo itaray ministerkaan doortey.
Waan idin masaafurin ilaa toban kun oo meyle
Makhsin baan idiin furi hadhuudh lagu masruuftaaye.
Dabkii lagu gubto faruhu kuma diraabaane.
Hitler baa u weynaa wiil arlada galiya hawl weyne isagaba meel haad ku cunay hubati loo waaye.
Sabool dhargaa nabada waa iskaga safaadaaye.
Ceydiga malaynee nin raga ceymo ma udiidney.
Waa digo hoostu nooshahay korkana degel lamoodaayo.
Waa maxay raga u Muhanayaa Meheradaan haystey.
Amba kama mahoobiyin tolkay maansadaa badane, masarna iyo kharduuna uma tegin mana masaafoonee, kamana mudannin sheekh ii marsha oo macarifo i dheere, Waan mihindisaye ii ma dhigin macallin yeedhsheeye, Waa shay maqaadiir ku yimid aan yar maamulaye,Sow duul masayr ugu dhinteen madadka lay siiyey.
Mahdabtaa Shanaad baan dajoo nala murmaysaanee.
Carabkii qoyani waa hadlaa, hey canjalafaynee in cadaalad sheekadu gashaan kaa codsanayaa.
Hadii geed la jaro oo gudumo looqaato oo barka sare la googooyaa waa wax gar weyne ma guntay ugu ursadeen kan dhacay waa gobkii Maxan ee.
Kadadii la ii qoray horteed in aan dhintaa kaafka kuma taale. Ha karaama seegina habaar lagu kari waaye.
Murti baan ka reeba Hadha iyo Anigu maahmaah'e
Miisaan hadaan hadal lahayn aa macno la'aane.

Geesigii tilmaanaa marbaa fulay u tookhaaye. Nin tabiino kuu guri jiraa kuu talaal noqone. Niman adiga kugu toosin baa kuu takhaashumiye.

Asteexiyo wanaag iyo ninkii ilindi kuu keeni. Ummuurtii aad leedahay ninkii kuu ebyoonahay
Aduunka iyo Aakhiro ninkii aslaaxaahaya. Ninkii maalintaad iilan tahay aano kugu jiidin.Itaal xumana aan kaaga tegin, sow ikhwaan ma aha.

Comments & Reviews ^top


Login to post your comment.
Be the first to comment on this!