|
||||||||
![]() |
||||||||
|
|
||||||||
|
|
0
Ayaydaa taag darran iyadoon tabar lahayn bay dadka isku taagtaagi.
Ayax teg eedna reeb. Awrba awrka ka horreeya ayuu horraan-qaadkiisa leeyahay. Awr kala guurtay uurar kala guurey baa ka xun. Awr awr wado iyo nin naagi waddi midna kaama leexdaan. Arrin xumo abaar ka daran. Arrin waa mid kugu soo booddiyo, mid kugu bariday. Arrin kaa tagtat Ahaa sooma celiso. Arrin aan sidii futo riyaad la feydin, ma fayoobaato. Arrimo rag waa mudacyo afkood. Arrad waa dan uskagse waa doqonniino. Aroos lagama raago, lagumana raago. Arab iyo waraabeba talo xumaa laga nool yahay. Aqoon xumo abaar ka daran(qorsho xumo abaar ka daran) Aqal libaax lafo lagam waayo. Amxaaro madax gumac galay leedahaye madax hadal galo ma laha. Ammaano kugu raagtey inaad leedahay baad mooddaa. Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay. Ammaan lama dhu-dhumiyo. Ama waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay. Ama faro dufan leh ku qaad ama faro dac leh. Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe. Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin. Allow nin aan wax ogayn ha cadaabin. Allow aqoon xumo hannagu dilin eexona hannooga tegin ----------------------------------------------------------------------- Allow aqoon xumo hannagu dilin eexona hannooga tegin. Alle watow wehel uma baahna. Alla aamin ma iisho. Alif kaa xumaaday Albaqra kaama haro. Ag-joog, Ninkii xilo doonayowna Xamaro agjoog. Afxumo nabadna kaa wadday, colaadna wax kaagama tarto. Afkii dab yiri ma guban. Afkaad goojaamo kaga keentay kula hadal. Af-ka nool abooto mudac. Afar waa afar: Noloshu waa Niyad; Naftu waa qaali; Nacaybku waa olol; Nabsigu waa qaraar. Afar layskuma daro: Waan guuri; Waan guursan; Geel baan qaadi; Geenyaan gadan. Afar gacmood abaar ka daran (Hunguri weyni waa cudur). Af wax cunay xishoo. Af waa kane, maxaa lagu aamaa Af nooli waa hadlaa Eyna waa ciyaa. Af macaan gacan macaan baa dhaanta. Af jooga looma adeego. Af jabtay sideedii ma noqoto. Af hadlaaba aamus. Af Daboolan, Dahab waaye. Af daboolan dahab. Af aanad lahayn lama qabto. Af aamusani marti ma sedo. Aduun wey ki amoodeey ogaaw. Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari. Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa Allow aqoon xumo hannagu dilin eexona hannooga tegin. Alle watow wehel uma baahna. Alla aamin ma iisho. Alif kaa xumaaday Albaqra kaama haro. Ag-joog, Ninkii xilo doonayowna Xamaro agjoog. Afxumo nabadna kaa wadday, colaadna wax kaagama tarto. Afkii dab yiri ma guban. Afkaad goojaamo kaga keentay kula hadal. Af-ka nool abooto mudac. Afar waa afar: Noloshu waa Niyad; Naftu waa qaali; Nacaybku waa olol; Nabsigu waa qaraar. Afar layskuma daro: Waan guuri; Waan guursan; Geel baan qaadi; Geenyaan gadan. Afar gacmood abaar ka daran (Hunguri weyni waa cudur). Af wax cunay xishoo. Af waa kane, maxaa lagu aamaa Af nooli waa hadlaa Eyna waa ciyaa. Af macaan gacan macaan baa dhaanta. Af jooga looma adeego. Af jabtay sideedii ma noqoto. Af hadlaaba aamus. Af Daboolan, Dahab waaye. Af daboolan dahab. Af aanad lahayn lama qabto. Af aamusani marti ma sedo. Aduun wey ki amoodeey ogaaw. Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari. Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa ------------------ Fuulmo wa fara ku hayn. Futo iyo dhul isma huraan. Fuleygu wax ka ula badan. Fuley xantiis ma mooga. Fuley xantii ma mooga. Fule wax ka qoryo badan. Fule hooyadii ma goblanto. Faruurow maxaa berbera ku geeyey? Dee faduul! Fartaadoo xumaata filq filiq kaagama hadho. Farsamo xumo, futada cankeeday ku goysaa. Farsamo futada cankeeday ku goysaa. Farihii dufan laa wax duuga. Fardo la isugu joogo la isuguma faano. Fardaha dheereeyaa pooloogay isku arkaan. Faras waa ku joog ama ka joog. Faras aanad lahayni, futadaaduu wax yeelaa. Faras aanad lahayn fuulmadiisa futa-ruqruq baa laga qaadaa. Far keliya Fool ma dhaqdo. Far iyo meel bugtaa is og. Far bugtaa, Faro ka dheer. Faq kastaa fagaaruhuu yimaadaa. Fallaartii cirka loo ganay cid kastoy filo. Fallaadhi gilgilasho kaagama hadho. Faanoole fari kama qodna. ----------------------------------------------------------------------- Wixii xunba xaawaa leh. Wixii umusha u dan ah ayaa Ilmahana u dan ah. Wixii indho arkaan baa ilko gooyaan. Wixii dooxan daad ha qaado, wixii daatana dabayli ha qaaddo. Wiiq sakaaro iyo wey sokeeye midna kaama haraan. Wiil iyo aabihii waysku qolo. Wiil intuu ood ka booduu talo ka boodaa.
|
|
||||||
|
© WP Technology Inc. 2009
User-posted content is subject to its own terms. |